Ciidanka Dalka Itoobiya oo La wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb

Ciidanka Dalka Itoobiya oo La wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb

daajis.com:- Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay Gobolka Galgaduud ayaa saaka la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo watay gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay garoonkaas oo maalmihii u dambeeyay xirnaa, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo shirkadaha diyaaradaha oo canshuuro ku kordhiyay shirkadaha.

Ciidamada Itoobiya oo horay ugu sugnaa degmada Guriceel iyo qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, hase ahaatee dadka deegaanka Dhuusa Mareeb ayaa saaka hadal haya ciidamada ku waabariistay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka wafuud ka socota dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galaya shir ka furmi doona Dhuusa Mareeb.

Shir lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusa Mareeb oo ah xarunta Maamulka Galmudug, inkastoo Ahlusuna gacanta ku heyso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada