daajis.com:- Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal gaar ah waxay saaka ka sameeyeen Xaafad ay farmuuq ugu socdeen gudaha Muqdisho.
Howlgalka waxa laga fuliyey Xaafada Mariinada,Xaruntii hore ee Taliska Ciiddanka Badda Ee Degmada Kaaraan waxaana lagu soo qabtay Hogaamiye Sare oo katirsan Ururka Al Shabaab sida la sheegay.
Ciidanka gaarka ah ee Nabad Sugida Ee loo yaqaano Alpha Group Ama Gaashaan ayaana soo qabtay Sargaal la sheegay inuu iibin jiray Dareeska Ciidanka Dawlada oo ah kuwa lagu weeraro Xarumaha Dawlada iyo kuwa AMISOM ee Soomaaliya.
Waxa la sugayaa faah faahino intaan ka badan waxa laga sugayaa Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya inay soo bandhigaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at