C/wali Gaas: Abgaal iyo Majeerteen way Ku dulman yihiin Habka 4.5 ! (Warbixin)

C/wali Gaas: Abgaal iyo Majeerteen way Ku dulman yihiin Habka 4.5 ! (Warbixin)

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in beelaha Majeerteen iyo Abgaal ay dan weyn ugu jirto in qaabka doorashada Baarlamaanka soo socda lagu saleeyo hab deegaan iyo degmooyinka, kuna dulman yihiin qaabka 4.5 oo aanay mar dambe yeeli doonin in dalka lagu maamulo laguna dhiso dowlada cusub ee 2016.

Kulan dhex maray C/weli Gaas iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Abgaal ayuu C/weli Gaas ka sheegay in Beelaha Majeerteen iyo Abgaal ay yihiin beelo heli kara ilaa 20 degmo inay yeeshaan oo ay mid kasta hesho xildhibaano afar laab ka badan tirada ay hadda ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka ee ku saleysan 4.5.

Arrintan waxay barbar socotay shirka Madasha Wadatashiga ee Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka iyadoo la isku mari waayay qaabka la qaadanayo doorashada soo socota oo laba dhinac loogu kala qeybsan yahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada