daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu laabtey magaalada Kismaayo ayaa si furan uga sheekeeyey shirarkii Muqdisho iyo waxa ay la soo laabteen.
Axmed Madoobe ayaa meesha ka saarey in siyaasiyiintii ku shiray Muqdisho aanu jirin mid kamid ah oo wixii loo sii dhiibey la soo noqdey, anaga un baa la soo noqoney in Kismaayo lagu qabto foosha 2016 “Waan is canaanay, waxaana isu sheegnay in nin walbaba haddaanu reerkiisa ka adkaan aysan waxba soconeyn, dib haloola noqdo fikir ka duwan kiinii ayaa jira ee wax Soomaalinimo ah in la isula yimaado weeye”
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay qalad tahay haddii aan kayga la qaadan waxba socon maayaan, goboladuna waa kala argti duwanaadeen, waxaana muhim ah in la isu soo dhawaado oo la isu tanaasulo ayuu yiri Axmed Madoobe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:01 and have
, Published at