daajis.com:- Saraakiil kasoo jeeda beesha Ogadenia ee ku sugan deegaanka Ceelbarde ayaa Gobolka Bakool kawada abaabul dagaal ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.
Saraakiisha iyo Maleeshiyada ayaa wada qorsho ay kula dagaalamayaan ciidamada taabacsan maamulka Koonfur galbeed oo jooga qeybo kamid ah Gobolka Bakool.
Saraakiishaani oo hadda ku sugan deegaanka Ceelbarde ayaa waxaa laga ka xeeyay magaalada Kismaayo si ay ula shaqeeyaan maleeshiyaadka Bakool Sare.
Bakool Sare ayaa waxaa ku mideysan Beesha Ogadenia oo ka gadooday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Qoshaha ugu weyn ee loo uruurinaayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanka Ceelbarde ayaa ah inay la dagaalamaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ka jooga qeybo kamid ah Gobolka Bakool.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at