daajis.com:- Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa looga dhawaaqay maamul cusub, Kadib shirwayne deegaankaasi ka socday oo Gadh-wadeen ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Dawalda Soomaaliya.
Maamulka cusub oo dhismihiisa looga soo horjeedo maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa lagu doortay sida aan horayba u baahinay Madaxweyne iyo ku-xigeen, waxaana doortay tirro Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda Beesha Ogaden kuwaasi oo deegaan ku ah Dagmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Maamulka Bakool Sare ayaa waxaa hoostagi doona Degmooyin lagu kala magacaabo Ceelbarde Aato iyo Yeed,
Axmad Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayey loogu doortay madaxweynaha maamulka Bakool Sare, halka ku-xigeena looga dhigay Cabdullaahi Sahal Xuseen.
Ugu danbayntii Calanka loo sameeyay maamulkaasi ayaa u muuqaal eg kan maamulka Jubbaland, markii laga reebo 3 xidig oo dheeri ku ah calankaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:03 and have
, Published at