Daawo: C/weli gaas & Axmed Madoobe oo Si Cadho badan Loogu soo Jeediyay Iney Muqdisho isaga baxaan (Waraysi)

Daawo: C/weli gaas & Axmed Madoobe oo Si Cadho badan Loogu soo Jeediyay Iney Muqdisho isaga baxaan (Waraysi)

daajis.com:- Saciid Diiriye Maxamed, oo kamid ah baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay in madaxweyne C/welli Gaas iyo Axmed Madoobe isaga tagaan magaalada Muqdisho, maadaama fikradooda aan laga tixgelin, wuxuuna taageeray in qaab deegaan lagu soo doorto xildhibaanada imaanaya sanadka soo socdo.


Saciid Diiriye, wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta kasoo jeeda koofurta dalka Soomaaliya ay baabi’iyeen dalka ayna doonayaan in dib loogu laabto nidaamkii ummada Soomaaliyeed kala qeybiyay ee 4.5, sida uu hadalka u yiri.

“Anigaa wax bi’iyey ee khaladka ha la igu raaco ama haddaan wax kale keenayaa wax lagu hadlo maahan, qofkii aan Qaabka degmooyinka doonayn oo aan degmaba lahayn dee inuu doorasho doonaba maahan, ma qof meel cidlaa daggan baa jira, dalku waa qaybsan yahay oo gobol gobol iyo degmo degmo ayuu u qaybsan yahaye, ma cid cirka daggan baa jirta, qof walba degmaduu kasoo jeedo buu wax ku qaadanayaaye” ayuu yiri Xildhibaan Siciid Diiriye Maxamed.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegay in looga baahan yahay iney isaga soo baxaan magaalada Muqdisho, “Wakhti yuu idinkaga Lumin Meesha, Ixsadad baa idin doortay, Alle wa idinkula xisaabtamayaa, waxaa wax Bi’iyey waa dadka Koonfur Jooga”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada