DAAWO:- DFS oo ugu digtay kalluumeysatada inaysan kusoo dhowaan Airpor-ka…

DAAWO:- DFS oo ugu digtay kalluumeysatada inaysan kusoo dhowaan Airpor-ka…

daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhiga Somalia, C/qaadir Sh. Cali Diini iyo Taliyaha Ciidamada Badda Admiral Maadey Nuurey Ufurow ayaa ugu digay doomaha kalluumeysatada iyo dadka kale ee ku dalxiisa doomaha in aysan kusoo dhowaan dekadda iyo garoonka diyaaradda Muqdisho.

Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii habeen hore labo doon qoryaha daran dooriga u dhaca saarnaa lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena dhalinyaro kaluumeysato ah, lagu rasaaseeyay xeebta maanta xili ciidamada AMISOM ay ku jireen feejignaan dheeri ah.

gaashaandhig-xeeb-1Wasiir Gaashaandhiga ayaa kula taliyay Kaluumeysatada dadka kale in aysan xilliyada habeenkii ah kusoo dhowaan Dekedda iyo Air Porka Muqdisho oo ah goobo si aad ah loo ilaaliyo.

Wasiirka ayaa sheegay in dhacdadii xalay ay guddi u saareen si loo hubiyo xaalada amaan ee garoonka iyo dekadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kaluumeysatada looga baahan yahay in xilliyada habeenkii markii ay xeebaha u jilaab-tagayaan ay ku wargeliyaan ciidamadda Badda, si hadii khatar dhinaca ammaanka ula kulmaan loogu gurmado

“Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada, waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Muqdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka iyo Dekadda ” ayuu yiri Wasiir Diini.

Ciidamada AMISOM ayaa fashiliyay habeen hore weerar ay labo doon kusoo qaadeen garoonka diyaaraddaha Muqdisho, waxaana ay ciidamada rasaas xoogan ku fureen doomahaasi oo iyagana rasaas kusoo furay garoonka.

Tallaabadaasi ayaa ka dhaladay in howlihii garoonka hakad ku yimaado, iyadoo ay baaqaday diyaaraddii Turkish Airlines ay ku imaan laheyd Muqdisho.

Shaqaaqadii habeen hore ka dhacay garoonka ayaa muddo kooban hakad gelisay howlihii garoonka diyaaradaha, waxaana baaqatay Diyaaradii Turkish Airways oo shalay duulimaadkeeda maalinlaha ahaa ku imaan laheyd magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada