daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta ku wareejiyay Ex- xaruntii baarlamaanka ee degmada Boondheere, Milkiilaha Telefishinka Universal Eng. Axmadeey Abuubakar.
Xarunta Ex Baarlamaan ayaa laga dhigi doonaa xarun loo dalxiis tago sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho, wuxuuna tilmaamay xaruntaan ay taariikh gooni ah u leedahay shacabka Soomaaliyeed.
“Waxay noo tahay farxad anigoo dareenkeyga aanan cabiri karin maxaa yeelay Ex baarlamaan shalay sidee aheyd ayaan ognahay, maanta sida ay dhaanato iyo berri sida aan rajeyneyno inay noqoto meel loo dalxiis tagi doono, cida suura geli laheyd garabkeyga ay taagan tahay, telefishinka Universal iyo kooxdiisa waxaa ka codsaday Ex baarlamaan maadaama meel taariikhi ay tahay daljirka dahsoon dadka u soo dalxiis tagayaan ku dhow tahay, inay noqoto meel loo soo daxiis tago ardayda soomaaliyeed wax ku akhristaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
ex-baarlamaan-wareejin-3Milkiilaha Telefishinka Universal Eng, Axmadeey Abuubakar ayaa sheegay dhankiisa inuu ku faraxsan yahay in xaruntan lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ka dhigi doonaan goob loo soo dalxiis tago.
ex-baarlamaan-wareejin-1Waxaa horay Guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu ganacsato Soomaaliyeed ku wareejiyay jardiinada iyo xarumo dowladeed oo ku yaala magaalada iyo goobo kale, kuwaasoo laga dhigay meelo loo soo dalxiis tago, inkastoo wareejintaas ay dhalisay dhaliilo loo soo jeediyay Muungaab.
Arrintaan ayaa la ogeyn in aysan waxba kaga duwaneyn wareejintii Muungaab uu ku wareejiyay xarumo dowladeed, iyadoo aan lasoo marsiin baarlamaanka.
Xarunt Ex-baarlamaan oo burbur xoogan uu kasoo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ayaan jirin cid dayactir ku sameysa, waxaana ay noqoday qashin qub dadka usoo dhaqaajiyaann qashinka guryahooda ay kasoo saaraan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:36 and have
, Published at