daajis.com:- Munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaano ayaa maanta lagu qabtay tiyaatarka qaran Somaliya ee Magaalada Muqdisho, Munaasabadan ayaa waxaa lagu soo dhaweynayay fanaaniinta Hodan Cabdi Raxmaan dheere, Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Rasta, fanaanada Idil barqad iyo fanaanka Iidle Yare
Soo dhaweynta munaasabadaan ayaa waxa kaso qey galay fanaanin ka tirsana hoboladii waaberi mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo wasiir ku xigaynka wasaarada warfaafinta Somaliya C/llahi Colaad Rooble.
Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaar dhaqameedyo kala duwan oo looga gol lahaa soo dhaweynta tiyaatarka Qaranka lagu soo dhaweeyay fanaaniin Soomaliyeed oo in mud ah dalka dibadiisa qaxooti ku ahaa.
Wasiir ku xigeynka Wasaarada Warfaafinta C/llahi Colaad Rooble oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in ummadda Somaliyeed soo dhaweynayaan fanaaniinta waliba si jaceyl Somalinimo ay ku jirto.
Sido kale fanaanada Hodon Cabdi Raxmaan dheere oo ka hadashay xafladaasi logu sameeyay soo dhaweynta ayaa sheegtay in farxada iyo jaceylka Muqdisho ay u qabta ay tahay mid aan lagu cabiri karin ereyo afka laga yiraahdo, waxaana intaas ku dartay in muqdisho ay tahay halka ay kasoo jeedo Asal ahan, iyadoo intaasi ku dartay in ay Masraxa Qaranka uu yahay meesha kaliya ee ay ku soo barbaartay.
Dhinaca kale Soomaalida ku nool Mareeykanka gaar ahaan Minnesota, ayaa dareen wanaagsan ka muujiyay sida Fanaaniintan ka tegay waqooyiga Ameerika loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
“Aad baan ugu faraxsanahay in Fanaaniinta ka tegay Minnesota lagu soo dhaweeyo Caasimada dalkoodi ee Muqdisho, runtii Fanaaniinta waa hanuuniyaha dadka waxayna ka qeyb qaadan karaan is dhexgalka bulshada iyo Nabadda”, sidaa waxaa yiri Abdihakiin Osman Nuur, oo kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota.
Tagitaanka Hodan Abdirahmaan magaalada Muqdisho waxaa uu falaar wadno qabad ku noqday Fanaaanada kale ee Waqooyoga America degan Fariyo Kabayare oo muuqaal ay soo duubtay kaga hadashay waxyaabo aan micno badan ku fadhin isla markaana loo arkay hadalada ay soo duubtay kuwa ka fog xaqiiqda xilligan jirta.
Hodan Abdirahmaan waxay kaalinta labaad kaga jirta fanaaniinta Dumarka, waxaana ka horeysa oo keliya Farxiyo Fiska oo dadka badankiisa ku tilmaaman inay tahay fanaanada qarniga ama mida ugu codka macaan.
Dadka Magaalada Muqdisho ayaa u diyaar garoobaya ka qeybgalka Bandhig Faneedka Hodan Abdirahmaan Dheere.dad badan ayaa ku faraxsan imaanshaha Hodan ee Muqdisho waxayna u arkaan talaabo dhinaca nabada iyo is dhexgalka loo qaaday.
Hodan waxaa dhashay Aamino C/llaahi oo ka mid ahayd Fanaaniintii hore ee kooxda Waaberi, sidaas darteed maadama ay ka soo jeedo qoys Fanka caan ku ah si deg deg ah ayuu fankeeda ku korey oo sare gaaray.
Waxaa warbixintaan gobolka Minnesota nooga soo diray mudane Abdihakin Osman Nur oo ku magac dheer Sheekh Soomaali
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:05 and have
, Published at