Daawo:- Gaas oo soo gabagabeeyay safarkii Muqdisho, kuna laabtay Puntland

Daawo:- Gaas oo soo gabagabeeyay safarkii Muqdisho, kuna laabtay Puntland

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Gaalkacyo, waxaana garoonka Gaalkacyo kusoo dhoweeyay maamulka gobolka, kan degmada iyo dadweyne.

Cabdiweli Gaas ayaa ka warbixiyay safarkii uu maalmahan ku joogay Muqdisho isagoo sheegay in ay ka qayb galeen shirarkii madasha wadatashiga heerka qaran ee looga hadlayay nooca doorashada ee 2016-ka, wuxuuna sheegay in mowqifka Puntland uu ahaa in doorashada qabsoomi doonto ay ahaado hab deegaan, mowqfkaasina ay wali ku taagan yihiin, kana soo horjeedaan 4.5-ka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay madasha shirka la tageen in qabiilka laga gudbo maadaama muddo 16 sano ah lagu soo xulaayey.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso in aqlabiyada shaqeyso oo isbadal dhanka dhismaha hay’addaha dowladda uu yimaado.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka loo balamay ee ka dhici doona magaalada Kismaayo, kaasoo lagu go’aamin doono heshiiska rasmiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada