Daawo Haween ka mid ahaa maliishiyadii ku dagaalamay Baladweyne

Daawo Haween ka mid ahaa maliishiyadii ku dagaalamay Baladweyne

daajis.com:-Waxaa magaalada Baladweyne bannaankeeda la dejiyay maliishiyooyinkii labadii maalmood lasoo dhaafay ku dagaalamay, kuwaasoo sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen tiro haween ah oo ku hubeysan qoryaha AK-47.

Haweenkaan ayaa u muuqday kuwo u tababaran ama aqoon u leh hubka ay ku dagaalamayaan, waxaana ay ka dhex muuqdeen ragga oo dhexda ugu jireen.

Goobihii la dejiyay malooshiyooyinkaan ayaa waxaa booqday wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Wasiiirka madaxtooyada Somalia, Mahad Salaad, waxayna labada dhinac kula dardaarmeen in ay nabadda ka shaqeeyaan, una dhega nuglaadaan heshiiska iyo xabad joojinta la gaaray.

Wasiirka Amniga gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidanka labada dhinac la kala dajin doono deegaanada kala ah Burjada Ciinta, iyo Farma-jabaaley ee dulleedka magaalada Beledwyene, isaga oo malleeshiyada laftirkooda kula dar-daarmay in ay nabada ilaaliyaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada