daajis.com:- Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Garowe ayaa maanta la filayaa in la horkeeno labo nin oo u dhashay dalka Indonesia, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay si sharci darro ah ugu kaluumeysanayeen xeebaha Puntland.
Mohli Batiwawa oo ah 46-sano jir ah iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir ayaa ka mid ahaa 14 shaqaale oo laga soo bad baadiyay dooni kaluumeysi ah oo bishii Agoosto ku degtay xeebaha Puntland.
Maxkamadda darajada koowaad ayaa horay kiiska labada nin dib u dhigtay, kadib codsi kaga yimid qareenada u doodayay, hase ahaatee waxaa maanta lagu wadaa in arrintooda la soo gaba gabeeyo.
Puntland ayaa labada nin ka reebtay shaqaalihii kale ee la socday doonidaas, waxaana si gaar ah lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen doonida, taasoo wadatay shati kaluumeysi sharci darro ah, isla markaana doonida ay saarneyd kalluun gaaraya 46-tan
Doonida kaluumeysi ee ay wateen ayaa ka diiwaan gishaneyd dalka Yemen, balse waxaa laga lahaa waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Puntland



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at