Daawo: Kismaayo oo yeelatay Haween Ciyaara Kubadda Kolayga !

Daawo: Kismaayo oo yeelatay Haween Ciyaara Kubadda Kolayga !

daajis.com:- Wasaaradda Arrimaha Bulshada Jubbaland iyo Uururka Haweenka Degmada Kismaayo ayaa markii ugu horaysay magaalada Kismaayo Mudo 25-sano kadib ah ka hirgeliyay Koox Gabdho ah oo Ciyaari doona Kubada Kolayga, waxaana la gudoonsiiyey isugu jira Dhar, Kabo iyo agab kale.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay uga jiray Kubada Cagta ee ragga hasayeeshee wixii hadda ka dambeeya waxaa magaalada ka bilaaban doona Tartamada Gabdhaha ee Kubadda Kolayga.

Wasiirka arrimaha Bulshada Jubbaland Macallin Maxamed iyo masuulyiinta Wasaaradda ayaa maanta ka qeybgalay munaasibada Gabdhaha lagu gdoonsiinayay Qalabka.

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa u muuqda in uu galay marxalad ka badalan tii hore, waxaana muuqata in isbadal ka jiro dalka islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaalladii sokeeye ee dalka iyo dadka ragaadiyay, una jiheeysteen nabad iyo horumar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada