daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.
Madaxweynaha ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa isku afgartey in Soomaaliya laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at