Daawo:- Magaalada Kismaayo oo Diyaargarow ugu jirta shirka 10-Janaayo ee Go’aanka doorashada

Daawo:- Magaalada Kismaayo oo Diyaargarow ugu jirta shirka 10-Janaayo ee Go’aanka doorashada

daajis.com:- Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa laga dareemayaa isku diyaarinta maamulka Jubbaland uu isku diyaarinayo shirka looga hadlayo qaadashada go’aanka nooca doorasho  eeka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka soo socdo.

Maamulka Jubbaland ayaa wadda dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu martigelinayo shirka bisha soo socota madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyadaku yeelanayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxda Siyaasada Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in Shirka lagu qabto Magaalada Kismaayo Bisha Janaayo ee sanadka 2016, Waxaana iskugu iman doona Federaalka  maamulada Beesha Caalamka iyadoo sida la xaqiijiyey lagu soo bandhigayo qodobada shirkan ka soo baxa iyo dhaqan galkiisa ugu dambayna la shaaciyo Heshiiska kama dambaystaa.

Shirkii ugu danbeeyay ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa la isku mari waayay Puntland iyo Jubaland ayaa ku adkaystay in la fuliyo heshiiskii Garowe 1 2011 iyo natiijadii ka soo baxdey ergooyinkii talada la weydiiyey Nofeember 2015 ee ahayd in aan dib loogu noqon 4.5 ee degmooyin wax lagu soo xulo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada