daajis.com:-Shirkii Muqdisho ayaa mugdi kusoo dhamaaday, Ma jiro wax isfaham ah oo laga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada sanadka 2016. Bayaanka laga soo saaray shirka oo ka kooban 7 qodob ayaa u muuqda madax ciid ka ceshi.
Waxaa kaloo ku jira qodobo Mugdi hor leh sii abuuraya, oo aan kala cadeyn waxa loola jeedo. Shirbaa 10 janaayo sanadka 2016 ka dhicidoonaa Kismaayo, kaasoo looga doodi doono nooca doorashada sanadka 2016.
guud ahaan marka laisku la isku cel-celiyo qodobadan 7 ah, nuxurka waxuu noqonayaa in shirkii malmahan Muqdisho uga socday madaxda dalka la isku mari waayay, mana aragno wax heshiis ah oo laga gaaray qodobadii dooda ka taagneyd ee kala ahaa: In doorashada sanadka 2016 lagu saleeyo hab deegaan iyo in lagu saleeyo hanaanka 4.5.
Waxaa si cad u qeexaya in shirka fashilmay qodobka 7aad. Qodobkan waxuu amrayaa madaxda Soomaalida in 10 Janaayo 2016 Kismaayo isugu tagaan, go’aan cadna ka soo saaraan nooca ay noqoneyso doorashada 2016.
Waxaa kale oo uu mugdi weyn ku jiraa qodobka 3-aad oo aad moodo in uu xaaladda uga siidarayo. Ma cada waxa loola jeedo iyo sida la isu qabadsiinayo “Isku dheelitir Qabiil iyo Deegaan”, waxaana muuqata in arinkan uu keeni doono mashaakil ka sii xoog badan ka imika laga cabanayo.
Dhanka kale marka la leeyahay “Ka dib wadatashi ay hogaamiyayaashu ugu noqdaan deegaanadooda”,maxay tahay wadatashiga u harsan hogaamiyayaasha, sow kuwii horay ula soo tashaday shacabkooda? Arinkan waxuu xoojinayaa wararka sheegaya in madaxda Puntland iyo Jubaland ka tanaasuleen mowqifkoodi hore, waqtina loo siiyay in ay shacabkooda soo wargeliyaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at