DAAWO MUUQAALKA:Sarkaal sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al shabaab oo isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya (Magaca)

DAAWO MUUQAALKA:Sarkaal sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al shabaab oo isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya (Magaca)

daajis.com:- Saraakiisha Ciidamada ee Maamulka Gobolka Gedo qaarkood oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiiyay in Sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab uu isku soo dhiibay Saraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan ka tirsan Al Shabaab ee isa soo dhiibay ayaa lagu magacabaa Maxamed Cali Maxamed (Fareey) waxuuna Xarakada Al Shabaab u qaabilsanaa sida la sheegay Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Sarkaalkaasi maalmo ka hore loo soo gacan geliyay Saraakiisha amaanka ee Magaalada Muqdisho si ay baaritaano dheeri ahi ay ugu sameeyaan.

Dhawaan ayee aheyd markii Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka mid ahaa Saraakiisha Al Shabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Maamulka Gobolka Gedo islamarkaana loo soo masaafuriyay Magaalada Muqdisho oo haatanba lagu hayo Xabsi ku yaala.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada