daajis.com:- Ninkaan oo u dhashay dalka Pakistan, waxa uu leeyahay Mihnad la yaableh oo u muuqata mid indho-sarcaad ah..Ninkaan ayaa sankiisa gelinaya Mas yar kadibna waxa uu kasoo bixinayaa afkiisa.
Waxaa kaloo la yaab leh in masaska uu sankiisa gelinaayo ay yihiin nuuca sunta qatarta leh,kuwaasoo dadka ay qaniinaan horay ka dhinta.
Ninkaan oo lagu magacaabo Iqbal Jogi oo 30 jir ah, ayaa kasoo jeeda deegaanka Karachi, waxa uu arintaan kusoo bandhigaa Iskoolada iyo meelaha aroosyada ee laysugu yimaado.
Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay Mihnadaan ugaarka ah isaga.
“In Mihnadaan aysan qof walbo samayn karin oo ay aniga ii gaar tahay waa mid aan ku faraxsanahay..waan ku faanayaa xirfadeyda..waxaan howshaan kusoo dhexjiray ilaa 12 sano” ayuu yiri Iqbal.
Waxa uu sheegay inuu mararka qaar la kulmo qatar, gaar ahaan mar hada kahor uu qaniinay mas qatar ah oo uu dhiman gaaray, islamarkaasina uu mudo 3 maalmood ah Koomo kujiray.
“Waan dukadaa kahor intaan samayn arintaan, waxaan ilaah ka baryaa ineeysan i qaniinin” ayuu yiri Iqbal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:46 and have
, Published at