daajis.com:- Ibraahim Ismaaciil, waa Soomaali 42 sano jir ah oo ku nool dalka UK, waxa uu la kulmay dhacdo murugo leh iyo cuqdad ku buurtay, kadib markii lagu faquuqay diintiisa.
Ibrahim oo ah Arday wax ka barta jaamacadda Open University ayaa wuxuu doonayay inuu Bas kasoo raaco Bristol islamarkaasina uu gaaro magaalada London, balse dad weynihii Baska raacayay oo u badnaa kuwo aan muslim ahayn, ayaa ka hor istaagay inuu Baska raaco.
Ibraahim Ismaaciil, ayaa lagu qasbay inuu Baska kasoo dago islamarkaasina uu iibsado Tikid kale oo uu raaco Bas kale.
“Waxa laygu faquuqay waa Diinteyda iyo Labiskeyga, kaasi miyuusan ahayn jinsi faquuq” ayuu yiri Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska National Express.
“Runtii aad ayaan uga xanaaqay in laygu faquuqo diinteyda, sida layla dhaqmayna ma ahayn mid wanaagsan” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.
“Qof walbo wuu arkayay sida layla dhaqmay, xitaa waxaa Baska saarnaa dad kaloo madoow ahaa, balse aniga kaliya ayaa leey faquuqay inaan muslim ahay iyo labiskeyga dartiis”.
Ibraahim Ismaaciil oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa dalka UK ku noolaa tan iyo sanadkii 2000. Ibraahim waxa uu sheegay in arintaan lagula kacay niyad jab ku keeneyso inuu sii wato wax barashadiisa.
Ibrahim waxa uu wax ka bartaa Jaamacada Open University ee magaalada London.
“Markii uu Baska dhaqaaqi rabay ayaa waxaa ii yimid qof shaqaalaha Gaariga katirsan, waxaana uu iga dalbaday inaan ka dago Baska hadii kale uu iigu yeerayo ciidamada amaanka”.
Arintaan ayaa waxaa si weyn ugu hadlay Wargeysyada kasoo baxa dalka Ingiriiska oo wajiga hore soo saaray sawirka muwaadinkaan Soomaaliyeed ee haysta dhalashada ingiriiska iyo sida loola dhaqmay o cuqdad ka qaaday.
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEg4avbfHTKExfTJDCjSKcJZlT1uEsw4jjwtoW1S58ee1JX8fpKEndrHWdCRKH-S0RUtAku0t3yK1lOW94jvmfOcS_uzJndbXQ5yLGqTn93MB90HIo7W4Ml6WYxVPLuOV1m5DjDnKaHXEL5u/s1600/2F23144700000578-3352370-image-a-25_1449655793942.jpg)
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEh4DHMeMTXQaFO4_sUzXvPdwyuUtO04sGW6kMETHLh7JIz_SKztui91RWuYnDshRrY8GhGqWeGPFAqO56zmdx_qmYG3S11aYmjaQfTAWVbsyn3yzIxWaRVjIH_htrmLpGD7uumvpG94DPYM/s1600/2F24518200000578-3352370-image-a-27_1449655941658.jpg)
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:00 and have
, Published at