Daawo: Qorshaha Xasan Sheikh u tagay Baladweyne oo wajiyo badan yeeshay..

Daawo: Qorshaha Xasan Sheikh u tagay Baladweyne oo wajiyo badan yeeshay..

daajis.com:- Wafdiga Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Ariimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa, Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaliya Maxamed cabdulaahi Xassan Nuux, Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Mahad Salaad. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimadka, Wasiir ku Xigeenka Maaliyada.  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaliya. Iyo Wasiirkii hore ee Cadaalada Faraax sheikh Cabduqaadir Islamarkaan Saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh maxamuud iyo Wafdiga uu Hogaaminayay ayaa Xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan kulan kula qaatay odayasha dhaqanka waxgaradka Gobolka Hiiraan ururka dhalinyarada Gobolka Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Baladweyne islamarkana ka wada hadlay Ariimaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe

Nabadoon Cabdi yarow sheikh oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Gogasha shirka Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay ka fidsan tahay Magalaada Baladweyne islamarkana dowlada looga bahan yahay in ay qabasho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaliya Xassan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Ujeedka Safarkooda uu yahay sidii Bulshada ay   uga la Tashan lahayeen dhismaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo dhawan la filayo in la guda galo isago sheegay in aysan jiran wax bulshada lagu qasbayo islamarkana iyaga ay ka tashan karaan Aayahood.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaan soo hadal qaadin halka lagu qabanyo shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha kadib markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay in Gogasha shirka Maamulka labada Gobol ay taalo Magalaada Jowhar islamarkana Caasimada dowlada Goboleedka ay tahay Magalaada Bula burde iyado si weyn ugu biyo diideen Waxgaradka Gobolka Hiiraan in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar iyago sheegay in Gogasha ay Taalo Magalada Baladweyne Wafdiga Madaxweynaha ayaa la filaya in malmaha soo socda ay joogan Magalaada Baladweyne islamarkana kulamo wadatashi ay la qaatay waxgaradka iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada