Daawo: Qoyska Alan Kurdi oo lagu soo dhaweeyay Canada

Daawo: Qoyska Alan Kurdi oo lagu soo dhaweeyay Canada

daajis.com:-  Qoyska wiilkii yaraa ee Kuridga ahaa ee Bilooyin kahor meydkiisa laga helay Xeebaha Turkiga laga helay, ayaa xalay gaaray dalka Canada. Geerida wiilkan yar ee ay qoyskiisa kala soo carareen dagaalka Syria ayaa si aad ah u saameeyay Caalamka, isagoona laga sameeyay Sawiro aad u dareen badan.

Aabaha dhalay wiilkan iyo Xaaskiisa iyo 5 Caruur oo uu dhalay, ayaa xalay gaaray magaalada Vancouver ee galbeedka Canada, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Tima Kurdi, oo iyadu kamid ah qaraabada qoyska.


Alan Kurdi oo 3 jir ahaa iyo walaalkiis oo 2 sano ka weynaa, ayaa ku dhintay Xeebaha Turkiga iyo Giriiga u dhaxeeya, kadib markii ay degtay Doonidii ay saarnaayeen.


Sawirada laga soo qaaday Alan Kurdi, ayaa saameyn weyn ku yeelatay dunida, waxaana sawiro badan oo dareen bini’aadanimo leh ka sameeyay Fanaaniin badan oo dhanka sawirada ku dheereeya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada