DAAWO:- Saraakiil Cadaan ah oo ka Qayb qaatay Baaritaanka Qaraxii Muqdisho (VIDEO)

DAAWO:- Saraakiil Cadaan ah oo ka Qayb qaatay Baaritaanka Qaraxii Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:- Saraakiisha Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka qayb qaateen baaritaanka qarixii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan Cadaanka ah ayaa Ciidanka Booliska ee miino baarista ka caawinaaya baaritaanada qaraxan, si macluumaad looga helo kuwii ka dambeeyay qaraxaasi, waxayna halkaasi ka qaateen firiro ka dhashay qaraxa.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, xilligii ay goobtaasi howlgalka ka wadeen.

saddex qof ayaa lasoo warinayaa inay ku dhimatay qaraxaasi, iyadoo dhaawacuna uu gaarayo ilaa 19 qof.


Qaraxan ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray goobo ganacsi ee ku yaala wadadaasi. Carwada Alkowthar oo kale waxaa soo gaaray burbur, halka Carwooyinka kale ee ku dhow dhowna ay muraayadihii ka daateen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada