Daawo Sawirada:- Ciidamada Ciraaq oo maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Ramaadi

Daawo Sawirada:- Ciidamada Ciraaq oo maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Ramaadi

daajis.com:- Ciidamada Militeriga Dowlada Ciraaq ayaa isku faafiyay inta badan magaalada Ramaadi oo xigta galbeedka dalka Ciraaq.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa halkaasi ka saaray Kooxda Daacish, waxa ayna difaac ka galeen goobihii ay difaaca ka gali jireen Daacish.

Howlgalka ay ciidamada Ciraaq ku qabsadeen magaaladaasi ayaa waxaa ku dhintay ciidamo labada dhinac kala taabacsanaa waxaana sidoo kale Daacish looga qabsaday hub aad u badnaa.

La wareegida magaaladaasi kadib ayaa waxaa halkaasi lagu daadiyay ciidamo koofi cas kuwaasi oo si buuxa ula wareegay amaanka deegaankaasi waxa ayna cutubyo ka tirsan ciidamada bilaaben inay kusii siqaan Deegaanada kale oo ay Daacish ku harsan tahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada