Daawo Sawirada:- Haweeney Muslim ah oo kamid noqotay Garsoorayasaha Maxkamadda New York

Daawo Sawirada:- Haweeney Muslim ah oo kamid noqotay Garsoorayasaha Maxkamadda New York

daajis.com:- Haweeney Muslim ah una dhalatay dalka Mareykanka ayaa ku guuleesatay in ay kamid noqoto Garsoorayaasha Maxkamadda New York, waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay muslimiinta kunool dalka Mareykanka.

Munaasabad ka dhacday Dhismaha Brooklyn Burough Hall ee magaalladda New York ayaa lagu dhaariyay Carolyn Walker-Diallo, oo ah Gabar Muslimad Madow ah, waxaana gabadhaan xiligii la dhaarinayay gacanta loo saaray Kitaabka Quraanka Kariimka .

Gabadhan Muslimka ah ee kamid noqotay Garsoorayaasha Maxkamada New York ayaa noqon doonta Garsooraha dhinaca Arrimaha Bulshadda ee 7th Municipal District ee magaalladda New York ee Dalka Mareykanka.

Haweeneydii ugu horeesay oo Muslimad ah kana howlgasha Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka ayaa aheed Sheila C/salaam, oo Mareykan ah, waxa ayna haweeneydan xilal kala duwan oo dhinaca garsoorka ah kasoo qabatay Maxkamadda Sare ee Gobalka News York .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada