Daawo Sawirada:- Helikoptar loo diyaarinayey in lagu weeraro Goob Dalxiis oo gacanta lagu dhigay

Daawo Sawirada:- Helikoptar loo diyaarinayey in lagu weeraro Goob Dalxiis oo gacanta lagu dhigay

daajis.com:- Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee dalka Tunuusiya ayaa gacanta ku dhigay Helikoptar loo diyaarinyay in lagu weeraro goob dalxiis oo kutaala dalkaasi, iyo rag qorsheenayay in ay weeraro fuliyaan.

Wasaarada Arimaha Gudaha Tunuusiya ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen dad gaaraya 25-qof oo weeraro argagaxiso qorsheenayay iyo Helicopter loo diyaarinayay in loo adeegsado weeraro lagu qaado gooboo dalxiis oo kuyaala Dalkaasi.

Mid kamid ah dadka ay Ciidamada amaanka Tunuusiya xireen ayaa la sheegay in wiil uu dhalay sadax sano kahor isku qarxiyay dalka Siiriya, waxaana xubnahan la xiray ee la tuhmayo ku socda baaritaano badan oo lagu ogaanayo weerarada ay qorsheeyeen iyo dad kale oo qorshaha kula jiray oo baxsaday.

Dadkan la xiray ayaa booliisku Tunuusiya war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay diyaarinayeen weeraro ay ka geestaan goobaha loo dalxiiska tago dalka Tunuusiya marka loo dabaaldagayo sanadka cusub ee 2016-ka.
Booliiska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 seef, iyo 350 kg ee maadada ammonium nitrate iyo 100 litres ee Aashitada sulfuric acid ee laga farsameeyo waxyaabaha qarxa iyo Buugaagta laga barto sida loo sameeyo waxyaabaha qarxa.

Dalka Tunuusiya waxaa horey uga dhacay Weeraro lagu qaaday goobaha dalxiiska loo tago, weeraradaaasi ayaana lagu dilay dad badan oo ajaaniib ah oo dalxiis u tagay goobo kuyaala Magaalada Tunis ee xarunta dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada