DAAWO SAWIRADA: Jaaliyadaha Oromada Ee Yurub oo Banaanbaxyo Balaaran Dhigaya Iyo Xaalada Ethopia oo wali Kacsan.

DAAWO SAWIRADA: Jaaliyadaha Oromada Ee Yurub oo Banaanbaxyo Balaaran Dhigaya Iyo Xaalada Ethopia oo wali Kacsan.

daajis.com:-  Qaar ka mid ah wadamo ku yaala Qaarada Yurub waxaa maalmahaan dambe ku soo xoogeeysanayay banaanbaxyo balaaran oo ay dhigayaan jaaliyada ama qoowmiyada Oromada kuwaas oo doonaya inay ka go´aan dalka Itoobiya oo qalalaase xoogan laga dareemayo .

Shacabka Banaanbaxayay ayaa sheegay inay hiil iyo hoo u hayaan ciidamada hubka qaatay ee la dagaalamaya dowlada Itoobiya gaar ahaan kuwa Oromada ah waxeeyna dowladaha caalamka ka codsadeen in wax laga qabto xasuuqa lagu hayo Shacabka Oromada .

Oromada ku nool qaarada Yurub oo aad u badan ayaa waxa ay wadaan qorshe lagu magacaabo (Freedom for Oromo People) waxeeyna sheegeen in aysan joojin doonin kacdoonkooda . Shacabkaan ayaa sheegay in hal qof oo Oromo ah la dili karo balse uu dhiman karin magaca ah Oromia (You can kill Oromos , but you can never kill Oromia ) !!
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada