daajis.com:- Lamaanaha lagu kala magacaabo Sayed Farook iyo Tashfeen Malik oo 2 isbuuc ka hor 14-qofood ku toogtay magaalada San bernardino ee dalka Mareeykanka ayaa iminka waxaa la soo ogaaday halka ay ka keeneen lacagta iyo hubka faraha badan .
Bangi ku yaal magaalada San Francisco ee dalka Mareeykanka ayaa qeeylo dhaan ka soo yeertay ka dib markii la soo ogaaday oo Kaamero soo bandhigtay lamaanaha wax dilay ee Sayed Farook iyo Tashfeen Malik oo Bangiga Union-Bank kala baxay Aduun dhan 28.500 oo Dollar una dhiganta 26.236 Euro .
intaas ka dib Lamaanahaan ayaa sidoo kale waxeey 10.000 oo Dollar ka deensadeen Bangi kale oo ku yaal magaalada San Bernardino oo ah halkii ay weerarka ka fuliyeen kuna dileen 14-qofood .
Ugu dambeeyntii ciidamada Sirdoonka dalka Mareeykanka ayaa soo ogaaday in lamaanahaan oo u dhashay dalka Pakistaan aysan wax lacag ah dibada uga imaan balse Lacagtii ay hubka faraha badan ku soo iibsadeen ay kala soo baxeen labo Bangi oo ku yaala gudaha dalka Mareeykanka .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at