Daawo Sawirada:- Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo Kulan Muhiim ah la qaatay Maxamed Al-Cutmani

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo Kulan Muhiim ah la qaatay Maxamed Al-Cutmani

daajis.com:- Madaxweynaha untland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay hoyga uu ka deggan yahay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxa uu ku qaabilay Safiir Waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliya Maxamed Al-Cutmani.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan kooda wax-yaabihii ay kaga wada hadleen waxaa kamid ahaa xoojinta Xidhiidhka iskaashi ee qotada dheer ee kadhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Puntland, iyo dardar gelinta Mashaariicda Horumarineed ee Dawladda Imaaraadku kawado Puntland.

Safiirka Imaaraadka Carabta Maxamed Al-cutmani ayaa Madaxweynaha Puntland ku ammaanay adkaynta Nabad gelyada iyo barnaamijyada horumarineed ee wax ku oolka ah ee xukuumaddiisu ay ku tallaabsatay muddadii labada sano ahayd ee ay xilka haysey, isagoona ballan qaaday in ay dardar gelinayaan sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku kawado Puntland welibana uu daba gal dheeraad ah ku samayn doono halka ay marayaan Mashaariicdaasi.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geestiisa uga mahadceliyey booqashadan uu ugu yimi safiirku isagoona ku ammaanay kaalinta weyn ee dhanka horumarka ee Dawladda imaaraadku kuleedahay guud ah dalka soomaaliya isagoona si gaar ah uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku fuliso Puntlad.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Safiirka ku boorey dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Imaaraadku kawaddo Puntland kuwaas oo wax badan kabadeley xaaladda nabad-gelyo iyo mida horumarineed ee Puntland.

Gebe-gebadi Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ku casumey inuu kala soo qayb galo xafladda xadhig kajaridda Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso oo xarigga laga jari doono 8-January-2015.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada