Daawo Sawirada:- Maqaayad ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu gubay dalka Mareykanka

Daawo Sawirada:- Maqaayad ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu gubay dalka Mareykanka

daajis.com:- Maqaayad ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kutaala magaaladda Grand Forks ee Gobalka North Dakota ee dalka Maraykanka, ayaa shalay kooxo cunsuriyiin ah oon heebtooda la garan waxa ay qabadsiiyeen dab xoogan.

Maqaayada dabka la qabasiiyay ayaa aheed Maqaayad cana ah oo lagu magacaabo Jubba Coffee House, waxaan dabkaasi kasoo gaaray qasaaro xoogan inkastoo kooxaha dab damiska ay ku guuleesteen in ay deg deg u damiyaan debkaasi.


Maqaayada ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Kooxo cunuriyiin ah, waxa ayna sidoo kale maqaayada ku qoreen Calamada Naazigii Jarmalka, waxa ay sidoo kale darbiga maqaayada ku buufiyeen ''GO HOME ''.

Ciidamada booliiska Grand Forks , ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan kooxihii ka dambeeyay dabka la qabadsiiyay Maqaayada Jubba Coffee House,waxaana dhacdadan lala xariiriyeen mid ku lug leh naceyb iyo cunsuriyad.


Goob ganacsi ay Soomaali laheed ayaa sidoo ayaa maalmo kahor lagu gubay Magaalada Grand Forks, waxaana Magalaooyin kuyaala dalka Mareykanka ka bilowday naceyb loo qabo dadka muslimiinta ah tan iyo markii uu dhacay Weerar dad badan lagu dilay ee ka dhacay magaalada San Bernardino 
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada