Daawo Sawirada:- Nabadoon Abuukar Cali Warsame oo Maanta lagu caleema Saaray Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Nabadoon Abuukar Cali Warsame oo Maanta lagu caleema Saaray Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Munaasabad lagu caleema saarayay Nabadoonka Jufada Muusatuur Abakar oo ka mid ah beesha Murusade, Nabadoon Abuukar Cali Warsame ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeyb galeen oo nabadoonno, haween dhalinyaro iyo masuuliyiin kale


Nabadoon Abuukar Maxamed Filyo Xoor oo waqti dheer Nabadoon soo ahaa waxa uu ka hadlay qaabka uu xilka ugu wareejiyay nabadoonka cusub, isaga oo hoosta ka xariiqay in waqti badan uu isaga kala soo shaqeynayay nabadooninada sidaas darteedna uu u gartay in uu yahay ninka ku haboon ee booskaasi qaban kara, waxa uuna intaa ku daray in beesha Muusatuur inteeda kale ay ka aqbashay.

Waxa uu ka codsaday nabadoonada beelaha kale ee ay walaalaha yihiin in ay la shaqeeyaan Nabadoon Abuukar Cali Warsame, waxa uuna kula dardaarmay nabadoonka cusub in uu ugu shaqeeyo umadda si cadaalad ah.

Nabadoonka la caleema saaray, Abuukar Cali Warsame, ayaa waxa uu sheegay in xil weyn dusha laga saaray, dhanka kalana waxa uu ballan qaaday in uu si cadaalad ah u shaqeyn doono uuna ka shaqeyn doono danaha beesha xilka u dhiibatay iyo guud ahaan danaha Soomaalida taas oo ku dhisan deris wanaag.

Nabadoonada Beelaha Naajac iyo Maxamed Xassan, cabdullahi Macallim, iyo Cabduulaahi Waasuge Foodeey, iyo Nabadoonna kale oo xafladda kasoo qeyb galay ayaa waxa ay hanbalyeeyeen caleema saarka Nabadoonka Cusub ee Muusatuur, waxa ayna ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan.

Waxaa munaasabadda soo gunaanaday nabadoonka guud ee Beesha Xuseen Codweyne, Sheekh Yuusuf Cali Daameey, oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Muusatuur oo kamid ah beelaha uu isagu nabadoonka guud ka yahay ay Nabadoon usoo magacaawdaan Abuukar Cali Warsame.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada