Daawo Sawirada:- Qarax ka dhax dhacay Diyaarad fadhisay Garoon Diyaaradeed oo kuyaala Magaalada Istanbuul

Daawo Sawirada:- Qarax ka dhax dhacay Diyaarad fadhisay Garoon Diyaaradeed oo kuyaala Magaalada Istanbuul

daajis.com:- Waxaa saakay oo arbaco ah Qarax uu ka dhax dhacay Diyaarad fadhisay Garoonka Diyaaradaha Sabiha Gokcen airport Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga , waxaana qaraxan ka ka dhashay qasaaro kala duwan.


Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in uu qaraxan uu ka dhax dhacay Gudaha Diyaarad ay leedahay Shirkada Pegasus Airlines, waxaana qaraxan ku dhintay hal qof oo haweeney ah halka uu ruux kala ku dhawacmay.

Haweeneyda dhimatay oo 30-jir aheed ayaa magaceeda lagu sheegay Zeyhra Yamac, waxa ayna kamid aheed qolhayaha nadaafa ka waday Diyaarada saakay ku dhax qaraxday garoonka kuyaala Magaalada Istanbuul. 


Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in uu socdo baaritaano lagu sameenayo qaraxan ka dhax dhacay Diyaarada fadhisay garoon diyaaradeed oo kuyaala Magaalada Istanbuul, walina lama shaacin waxa uu ahaa qaraxan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada