daajis.com:- Sawiirtaani ayaa waxaa alifay nin magaciisa lagu sheegay Wang Wenxi oo u dhashay dalka Shiinaha waxa uuna ujeedka sameynta sariirtaasi ahaa in looga gaashaanto xiliyada uu dhaco dhulgariirka.
Qaabdhismeedka sariirta ayaa ah Sanduuq, waxaana ku xiran qalab la shaqeeya dhul gariirka, waxaana xusid mudan in xiliga dhulgariirka ay sariirtaasi is dabooleyso.
Sariirtaan ayaa noqon karta mid ay dadka ku badbaadi karaan sida qiimeyn iyo daraasad lagu sameeyay, waxa uuna alifaaga sariirtaasi ku tijaabiyay dhismooyin kusoo dul burburay mana jirin wax dhaawac ama isbedel ah oo soo gaaray sariirta iyo ruuxii ku dhex jiray oo isna qeyb ka ahaa tijaabada.
Qeybo kamid ah Sariirta ayaa waxaa ku dhexyaala sanaadiiq ay ku keydsan yihiin dawooyin loogu tallo galay in isticmaalaha sariirtaasi uu uga gaashaanto haddii ay dhacdo in xiliayada jiifkiisa ay soo gaaran dhaawacyo.
Sariirtaani ayaa waxaa hadda si saa'id ah looga isticmaala dalka Shiinaha waxa ayna kusii baaheysa dalal dhowr ah oo inta badan ay ka dhacaan dhulgariirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at