daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ,ayaa cafis u fidiyay maxaabiis gaareysa 66-maxbuus oo isuu jira rag iyo haweeen, kuwaa oo horey loogu riday xukuno kala duwan oo xabsi ah kuna xirnaa Xabsiyo kuyaala Magaalada Nairobi.
Maxaabiista cafiska uu u fidiyay madaxweynaha Dalka Kenya ayaa qaarkood waxaa horey loogu riday xukuno xabsi daa’in ah, waxaa sidoo kale ku jira xubno kale oo iyana lagu riday xukuno dheer oo xabsi ah.
Dadka Maxaabiista ah ee cafiska loo fidiyay ayaa 10-kamid ah waxa ay ahaayeen haween dambiyo kala duwa galay, waxaana mid kamid ah Haweenkaasi oo lagu magacaabo Teresia Wanjiku horey loogu riday xabsi daa’in, waxaana xabsiga ay kusoo qaadatay 24-sano.
Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa qasriga Madaxtooyada dalkaasi kusoo dhaweeyay Maxaabiista uu cafiska u fidiyay, kuwaa oo wajiyadooda laga dheehanayay dareen farxadeed kadib markii cafis loo fidiyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at