Daawo Sawirada'' Warar dheeraad ah oo kasoo baxaaya Qaraxyo sababay geerida dadbadan oo ka dhacay Nigeria

Daawo Sawirada'' Warar dheeraad ah oo kasoo baxaaya Qaraxyo sababay geerida dadbadan oo ka dhacay Nigeria

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo ka dhacay magaalada Nnewi ee Koonfurta dalka Nigeria.

Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa waxa uu ka dhacay goob dadku ka qaadanayeen Gaaska cunada lagu kariyo, waxaana mar qura laga war helay qeybo kamid ah Xaruntaasi oo ololeysa kadib markii uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada ayaa waxaa dhaliyay dab ka kacay xarunta kaasi oo la sheegay in ugu yaraan 5 saac oo xiriir ah uu socday.

Xiliga Dabka iyo Qaraxyada ay ka dhaceen ayaa waxaa xarunta ku sugnaa dad aad u farabadnaa kuwaasi oo qaarkood halkaasi ku waayay naftooda.

Dadka ku dhintay Dabka iyo Qaraxyadii ka dhashay Shidaalka ayaa gaaraya 100 ruux, halka dhaawacana uu intaa kasii badan yahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa oogadooda ka muuqatay gubasho kadib markii ay saameynta ugu badan ku yeelatay Gaaska.

Dadka ayaa xili hore saf dheer u galay xaruntaasi Gaaska lagu iibiyo si ay u helaan gaas ka hor inta aan la gaarin dabaaldegyada Ciida Kirismiska, waxaana magaaladaasi ku badan dadka heysta diinta Kirismiska.

Ugu danbeyntii Warbaahinta ayaa sheegaysa in qaraxu dhacay markii baabuur weyn uu qarxay kadib markii uu gaas halkaasi ku gediyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada