Daawo Sawirada:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Booqatay Dhaawacyada Qarixii Shalay ka dhacay Muqdisho.

Daawo Sawirada:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Booqatay Dhaawacyada Qarixii Shalay ka dhacay Muqdisho.

daajis.com:- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaliya Dr Cabdiqani Sheekh Cumar,ayaa booqday Dhaawacydii ka dhashay Qarxii shalay ka dhacay Wadada Makka-Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dr Cabdiqani Sheekh Cumar oo mid mid u kor tagay dhaawacyada ayaa sheegay”Waxa booqanay Dhaawacyadii Qarxii shalay ka dhacay Muqdisho,Intii dhimatay Alaha u Naxariisto, inta Dhawaca ah Alaha Caafiyo, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay u mahad celineysa Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaal Madiina ee sida wacan ula tacaalay 19 qof oo dhawac aha oo Lageeyey Isbitaalka,Waxaan aad uga xumahay in aan arkay wiil yar iyo Hooyo 90 jir ah oo dhawac ah o wali ehelkooda aysan ka warqabin inay Dhawacmeen,Bulshada Somaliyeed waxaa u sheegayaa in ay u Gurmadaan Walaalahooda dhibka ku dhacay,Ka Wasaarad ahaana waxaan Diyaar u nahay in aan waxka qabano Dhaawacyada”ayuu Yiri Dr Cabdiqani Sheekh

Abaara sideedii Duhurnimo ee Shalay waxaa Qarax uu ka dhacay Wadada Mashquulka badan ee Maka Al-mukaramma gaar ahaan Afaafka Hore ee Carwo Al-kowther oo ka mid ah Carwooyinka ugu waaweyn oo ku yaalo Wadadasi,inta la ogyahy Shan qof ayaa ku dhintay labatameeyo kalena wey ku dhaawacmeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada