daajis.com:- Ciidamada Ethiopia ayaa xasuuq ba’an u geystay shacab badan oo kasoo jeeda qabiilka Oromada ee u dhashay isla wadankaasi heystana diinta Islaamka.
Ciidamada ayaa rasaas ku asqeeyay Boqolaal ruux oo isugu soo baxay banaanbax ay kaga soo horjeeden Ciidamada Dowlada.
Ciidamada ayaa rasaas kala duldhacay shacabkaasi oo banaanbax dhigaayay, kuwaasi oo dalbanaayay in lasii daayo culimo lagu xiray masaajidkii lagu weeraray magaalada Addis.
Gobolka Oromada ka degto Itoobiya iyo deegaano kale ayaa laga soo sheegayaa kacdoon ay wadaan shacabka Oromada taasoo sababtay in tiro shacab ah la xasuuqo.
Rasaasta ay fureen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ku dhintay ilaa 12 Oromo muslimiin ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii banaanbaxa isugu soo baxay.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at