daajis.com:- Dalka Kenya ayaa si weyn looga hadlayaa weerarkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Mandhera oo ay koox kamid ah Al Shabaab ku weerartay gaari bas ah oo ay saarnaayeen 62 Rakaab ah, Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa rasaas ku furay gaarigaasi si ay u joojiyaan waxaana halkaasi ku dhintay 1 qof, halka uu dhaawac kasoo gaaray afar kale.
Kooxda Al Shabaab oo gaarigaasi markii ay joojiyeen doonayey inay dadka u kala soocaan Muslimiin iyo Kenyaanka Kirishtaanka ah ayaa waxaa ka diiday Muslimiintii Baska saarnaa oo u badnaa Soomaalida gobalka degen oo diiday in Kenyaanka Kirishtaanka ah gooni loo sooco si ay kooxdaasi u disho, Soomaalida ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in la dilo shacabka kamid ahaa rakaabka gaarigii ay saarnaayeen, arrintaasi oo la sheegay inay badbaadisay intii badneyd rakaabkii baskaasi.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SIDA WAX U DHACEEN
Dadkii Soomaalida ahaa ayaa siiyey dhar gabdhaha halka qaar kamid ah nimankana ay siiyeen koofiyado, si aan loo kala garan, Kooxda weerarka geystay ayaa sidoo kale intii ay weerarka wadeen dil u geystay askari Taraafiko ah oo ka tirsan saldhiga Ceel Waaq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at