daajis.com:- Dowladda turkiga ayaa waxa ay Ciidamo militeri ah u dirtay magaalooyinka faraha kasii baxaya ee Cirze & Silopi oo ku yaal bariga dalkaasi.
Turkiga ayaa in ka badan 10-kun askari oo isugu jira Milatari iyo booliis u daabushay Magaaloyinkani, halkaas oo la sheegay inay soo galeen kooxo falaago ah oo taabacsan ururkii dalkaasi laga mamnuucay ee PKK oo ay dadka Kurdiyiinta ah leeyihii.
Howlgalkan ay Ciidamada ka wadaan magaalooyinka Cizre iyo Silopi ayaa waxa ay ku dileen in ka badan 23-qof oo xubno ka ahaa maleeshiyaadka Kooxda Kurdiyiinta ee PKK.
Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo badan oo Turki ah ayaa lagu arkayaa magaalooyinka uu kasocdo howlgalka, waxa ayna Cidamada baadi goob ugu jiraan kooxaha ku dhumaaleesanaya magaalooyin dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at