DAAWO: Wariye ka Tagey Hargeisa oo XAMAR ku Waraystay Raysal Wasaare Xigeenka & waxa kala qabsaday (Video)

DAAWO: Wariye ka Tagey Hargeisa oo XAMAR ku Waraystay Raysal Wasaare Xigeenka & waxa kala qabsaday (Video)

daajis.com:- Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa waraysi la yeeshay ka tagay magaalada Hargeisa, oo dhowaan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.


Waxaa wax laga waydiiyey ugu horayn Qorshaha Xukuumada Soomaaliya oo mudo 9-bilood ah uu ka hadhsan yahay Waqtigeedu, Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyey Nidaamka Fedraalka iyo dhibka uu keenay, iyadoona tusaale loosoo qaatay dagaalka Puntland iyo Galmudug.

Wariyaha ayaa sidoo kale wuxuu hordhigay Su’aalo la xidhiidha maamulka Soomaliland iyo Dawlada Soomaaliya, oo ay ugu horayso Qorshaha midnimada iyo wada hadalka u dhexeeya, Wuxuuna sheegay in dawladu ay maamulka Somaliland siiso waxay Xaq u lahayd.

Ugu danbayntii waxaa la waydiiyey Qaraxii Hotel Central ee muqdisho oo qaab kaftan ah loo dhigay  iyo inay kusoo dhacday inuu dib ugu laabto Hargeisa ? Carte ayaa Wuuxuna sheegay inaysan taasi kaftan ahayn ! Wuxuuna sheegay inuu jecel yahay hargeisa markastana uu niyada ku hayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada