daajis.com:- Tv-ga Al-Akhbaari ee dalka Sucuudiga ayaa warbixin ka diyaariyey Xaafada Cusub ee Daaru-salaam City oo laga dhisay magaalada muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya.
Fu’aad Axmed Warsame oo kamid ah musuuliyiinta Mashruucan gacanta ku haya, ayaa sheegay in Daaru-salaam City ay ugu tala galeen in lagu dhameeyo mudo kooban, Wuxuuna ka warbixiyey guryahay ay diyaariyeen Iyo kuwa lasoo dalbaday ee hada dhismahoodu socdo.
Dhinaca kale Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa dhankooda bilaabay inay Guryaha Iibsadaan, Halka sidoo kalana qaarkood ay bixiyeen lacagta loogu dhisayo Guryo ay dalbadeen, waxaana Halkaasi si wada jir ah uga hadlay Faadumo Cabdile Jimaacle oo sheegtay inay meeshu siwayn u cajabisay iyo Maxamed Cabdisalaan oo ka yimid Maraykanka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at