DAAWO: Xasuuq maanta ka dhacay Magaalada Mandera ee Dalka Kenya (VIDEO)

DAAWO: Xasuuq maanta ka dhacay Magaalada Mandera ee Dalka Kenya (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa inay galabta toogasho ku dilay laba qof, saddex qof oo kalena ay ku dhaawaceen, kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay ka shakiyeen oo marayey bartamaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Fredrick Shisia ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay toogteen 5 qof oo saarnaa gaari yar oo kuwa raaxada ah, markii ay uga shakiyeen in gaariga ay saarnaayeen walxaha qarxa.


Feysal Cabdi Nuur oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Mandheera, ayaa sheegay in labo qof oo kamid ahaa dadakii saarnaa gaariga ay goobtii ku geeriyoodeen.

Dadka qaar oo ku sugnaa goobtii uu falku ka dhacay ayaa sheegay in boolisku uu si bareer ah u toogtay dadkii gaariga saarnaa.


Xaaladda magaalada Mandheera ayaa maanta ahayd mid aad u kacsan, waxaana isku soo baxay dad ka carreysan falka ciidamada Amaanku ay u gaysteen dad si aad ah looga yaqaanay magaalada Mandhera.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada