daajis.com:- Waxaa dagaal aan waxba la’iskula harin uu hadda ka socda bartamaha magaalada Ramadi, waxaana dagaalkani uu u dhaxeeyaa ciidamada ISIS/Daacish iyo ciidamada dalka Ciraaq oo dhinaca cirka ah ay ka caawinayaan ciidamada isbaheysiga.
Ciidamada Ciraq ayaa bartamaha magaalada Ramadi kula dagaalamaya dagaalyahannada Kooxda ISIS/Daacish oo qiyaastooda lagu sheegay ilaa 350 askari.
Afhayeenka Ciidamada amniga dalkaasi Sabah al-Numani, ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacayo xaafadaha u dhow dhismooyinka dowladda, Ciidamada Ciraaqna ay weli ku dabajiraan kooxaha Mintidiinta ah.
Kooxahan mintidiinta ayaa la sheegay inay adeegsanayaan Miinooyin ay ku soo xiraan Naftii hurayaal iyo gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Hoos ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:44 and have
, Published at