daajis.com:- Dagaal Xoogan Oo u Dhaxeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Amisom ee ku Sugan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa Maanta ka Qarxay Degmada Aw dheegle
ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka Ayaa Bilowday Ka dib markii Ciidanka Milateryga iyo Amisom oo wada socda ay weerar Ku qaadeen Fariisimo ay deganaayeen Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ka socda Tuulooyin Hoostaga Degmada Awdheegle oo mudooyinkanba ay ku sugnaayeen Rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Shiine oo Warbaahinta u Xaqiijiyey In weerarka ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ayaa ka sheegay in ugu yaraan ay dileen shan ka tirsan raggii u dagaalamayay Xarakad Al-shabaab isla markaana ay dhaawaceen in ka badan tobon al-shabaab ka tirsan.
Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Dowladda Ayuu Afhayeenku ku sheegay in uu yahay dhaawaca laba askari oo Milateriga Dowladda ka tirsan kuwaasoo hadda dhaawacooda la baxnaaninayo.
Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay tuulooyinkooda ka carareen si ay uga naba helaan rasaasta wiifeysa.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in weli rasaastu socoto isla markaana mararka qaar la maqlayo Madaafiic labada dhinac ay isku ridayaan.
Meelaha lagu dagaalamayo ayaa ah Dhul beereed, inkastoo dad xoola dhaqato ahna ay degan yihiin.
Dhinaca xarakada al-shabaab weli kama hadlin dagaalka awdheegle iyo hareerihiisa ka socdo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at