Dagaalyahan Mareykan oo ka hadlay Sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab uuna isugu dhiibay Dowlada Somalia

Dagaalyahan Mareykan oo ka hadlay Sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab uuna isugu dhiibay Dowlada Somalia

daajis.com:- Muwaadin kasoo jeeda dalka Mareykanka kana soo goostay dagalayahanada Xarakada Al-Shabaab uu horey uga tirsanaa, ayaa ka warbixiyay sababihii ku kalifay in uu Al-Shabaab kasoo goosto uuna isku dhiibo Dowlada Soomaaliya.

Malik Abdisamad Jones oo ah 31-jir kasoo jeeda Dalka Mareykanka ayaa isku dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baraawe, kadib markii uu kasoo baxsaday dagaalyahanada Al-Shabaab uu xubin ka ahaa.

Ninkan ayaa kasoo jeeda magaaladda Baltimore ee Gobalka Maryland ee Dalka Mareykanka, waxa uuna dagaalyahanada Al-Shabaab kusoo biiray sanadii 2012-kii, waxa uuna kasoo qeybqaatay intii uu Shabaab katirsanaa dagaalo badan.

Malik Abdisamad Jones, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu isaga soo baxo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in mudo lix cisho ah uu u soo lugeenayay si uu u gaaro Magaalada Baraawe uuna isugu dhiibo Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya.

Waxa uu xusay ninkan in hada xaaladiisa jismiga ay tahay mid wanaagsan balse maskaxiyan uusan caadi aheyn , waxa uuna cadeeyay in uu hada go’aansaday in uu kasoo baxo Al-Shabaab uuna doonayo in uu dib ugu laabto gobolka uu kasoo jeedo ee Maryland si uu nolol cusub uga bilaabo mar kale.

Malik Abdisamad Jone, oo ka hadlay sababaha ku kalifay in uu Al-Shabaab kasoo goosto iskuna dhiibo Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in ay dhiiro galisay markii uu maqlay cafis ay Dowlada Soomaaliya u fidiaay dagaalyahanada kasoo baxa safka Al-Shabaab.

Dagaalyahanankan kasoo goostay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dhibaato kasoo gaartay ayna far uga go’day duqeyn ka dhacday Magaalada Jilib, waxa uuna intaa racaiyay intii uu Al-Shabaab katirsanaa uu guursaday labo xaas ayna u dhaleen Sadax Caruur ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada