Dawlada Somalia oo sheegtay qorshaha ay kula Dhaqmidoonto Kooxaha dawlad diidka ah ee Al-shabaab iyo Somaliland

Dawlada Somalia oo sheegtay qorshaha ay kula Dhaqmidoonto Kooxaha dawlad diidka ah ee Al-shabaab iyo Somaliland

daajis.com:- Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen (Odawaa), oo mar kale ka hadlaayay doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, ayaa sheegay in DF ay qorshooyin badan u dajisay hanaanka lagu qaban lahaa.

Odawaa waxa uu sheegay in qorshaha DF ay u dajisay doorashada ay kamid tahay in dhamaan Gobolada dalka ay si dadban uga qeybqaatan Doorashada, waxa uuna sheegay in degaannada aan la gaari karin dad matala loo heli doono.

Dawlada ayuu sheegay inay ka go’an tahay in doorashadaani ay kuwada qanciso Soomaalida oo idil waxa uuna farta ku goday in cid waliba ay u furan tahay in wasaaradu ay kusoo biiriso aragtideeda, wuxuuna sheegay in dalka
Doorasho ka dhaceyso taas oo noocii la qaataba dadka Soomaaliyeed ay ka wada qeybgali doonaan.

”DFS waxa ay ku rajo weyn tahay in doorashadaani ay taariikh u noqoto Somalia. qorshaha aan wadno waa mid deeqi doona Somali oo idil. waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay is dajiyaan oo ay kor kala socdaan qaabka ay Dowladu wax u wado”

Odawaa waxa uu sheegay in ay jiraan dhulal aysan gaadhi karin Dowladda Soomaaliya sida dhulalka ay ka taliyaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo maamulka Somaliland, balse dadka Soomaaliyeed meelahaasi ku sugan ay kasoo qaadan doonaan wakiilo xaqooda u dhiciya oo iyaga un matalla. ”Deegaan waliba oo Somalia ka tirsan waan gaarsiin doonaa, deegaanada Al-shabaabka heystaan waan ka saari doonaa, haddii ay dhici weyso waxaan u heli doonaa wakiilo u matalla doorashada”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada