daajis.com:- Sida ay sheegayaan wararka Saaka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Maamulka Puntland ayaa Ciidamo fara badan soo dhoobay Goobahii laga qaaday Ciidamada Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Dad Goobjoogeyaal ah ayaa noo xaqiijiyay in Puntland ay Ciidamo badan oo aad u hubeysan geeysay meelihii laga saaray Ciidanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Sababta Puntland ay Ciidamada badan u geeysay Goobahii laga kala qaaday Ciidamada Labadaasi Maamul ayaan la ogeyn,waxaana ay arrintaan imaaneysaa Xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday inuu dhaqan galay Heshiiskii Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Sidoo kale Guddiga loo Xil saaray dhameystirka Heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug iskugu jira ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo Dadkii ka barakacay ay ku soo laaban doonaan Maalmaha soo socda islamarkaana qaar ka mid ah ayba soo noqdeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at