DF oo kafaalo qaaday caruurtii ay ka dhinteen wariyaasha Hindiya & Liibaan

DF oo kafaalo qaaday caruurtii ay ka dhinteen wariyaasha Hindiya & Liibaan

daajis.com:- Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka ayaa waxay maanta booqdeen guriga ay deggan yihiin carruurtii ay dhashay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ahayd Weriyayaasha Radio Muqdisho iyo SNTV, taasi oo isbuucii hore lagu dilay qarax miino.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo horkacayey Mas’uuliyiintaasi ayaa ka tacsideeyey geeridii Weriye Hindiya, wuxuuna xusay inay Dowladda gacan ka geysan doonto Daryeelka Carruurtaasi.

“Dowladda, waxay carriuurta siinaysaa Daryeel Qaran ilaa ay ka qaan-gaarayaan, waxaana kafaala qaadaynaa noloshooda” ayuu yiri Maareeye oo u tacsideeyey Hooyadda dhashay Marxuumad Hindiya, oo haatan gacanta ku haysa carruurtaasi.

Allaha U Naxariistee, Hindiya Xaaji Maxamed waxay u dhixi jirey Marxuum Liibaan Cali Nuur oo ahaa Weriye u shaqeyn jirey Warbaahinta Qaranka, kaasi oo  isaga iyo Weriyayaal kale lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho bishii September ee sannadkii 2009-kii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada