Dowlada Federaalka oo si Rasmi ah u shaacisay halka lagu qabanayo Shirka Maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe iyo Caasimada labada Gobol.

Dowlada Federaalka oo si Rasmi ah u shaacisay halka lagu qabanayo Shirka Maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe iyo Caasimada labada Gobol.

daajis.com:- Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa si Rasmi ah  u shaacisay in Gogasha shirka Maamul u sameeynt Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qaban doono Magaalada Jowhar halka Caasimada Dowlada Goboleedka laga dhigi doono Magalaada Bula burde ee Gobolka Hiiran.

Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in Gogasha shirka Maamulka u sameeynta  Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe lagu qaban doon   Magalaada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Hoose islamarkana Caasimada  Dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay tahay Magaalada Bula burde ee Gobolka Hiiraan.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa u muuqada kuwa ka biya diidsan hadalka Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee ah in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar iyado Magalaada Baladweyne muddo ka badan Sideed Bilod ay talo Gogasha shirka Maamulka labada Gobol.

Dhismaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa ku hor gudban Caqabado Fara badan iyado dhismaha Maamulka labada Gobol lagu waday in la soo afjaro bishan December. Lama oga sida xaalku noqon doono Malmaha soo socda odayasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo qarkood la hadlay Hiiraan Xog ayaa ka biyo diidsan halka Madaxweynaha ee Soomaliya eek u Saabsan in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar islamarkana Caasimada labada Gobol laga dhigay degmada Bula burde ee Gobolka Hiiraan


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada