DOWLADA KENYA:- oo si jeesjees ah uga jawaabtay ficil ay sameeyen dhalinyaro Muslimiin ah

DOWLADA KENYA:- oo si jeesjees ah uga jawaabtay ficil ay sameeyen dhalinyaro Muslimiin ah

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa si jeesjees ah uga hadlay ficil bilowga asbuucii tagay ay sameeyen dhalinyaro Muslimiin ah oo gaari la saarnaa dhalinyaro kale oo heystay diinta Kirishtanka.

Wasiir Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay ay dhagtiisa kusoo dhaceysay haddalo kasoo yeerayay Culimo ka tirsan Muslimiinta Kenya.

Wasiirka waxa uu sheegay in dhalinyaradii Muslimka ahaa ee badbaadiyay kuwa heystay diinta Kirishtanka ay ahaayen dhalinyaro ka tirsanaa Booliska Kenya, balse aysan aheyn kuwo u diirnaxaayay dhalinyaradaasi.

”Waxaan xaqiijinayaa in dhalinyaradii Muslimka ahaa ee Baska saarnaa ee Al-shabaab ka badbaadisay dhalinyaradii heystay diinta Kirishtanka ay ahaayen kuwo ka tirsanaa Booliska Kenya, ma aheyn dhalinyaro caadi ah oo u diirnaxay kuwa aan islaamka aheyn”

”Dhanlinyaradaasi muslimka ah ee ka tirsanaa Booliska Badbaadinta ay u sameeyen walaalahooda waan uga mahad celinayaa waxa ayna guteen waajibkii ka saarnaa shacabkooda”

”Waxaan arrintaasi ku ogaanay wareysi aan la sameynay dhalinyaradii wax badbaadisay, waxa ayna xaqiijiyeen inay ka tirsan yihiin Booliska oo aysan aheyn dad shacab ah”

Wasiir Joseph Nkaissery waxa uu sheegay in ficilka noocaasi ah aysan sameynkarin dad shacab ah, balse ruuxa Askariga ah uu awood badan u leeyahay inuu badbaadiyo qof shacab ah islamarkaana uu u huro naftiisa.

Geesta kale, Haddalka Joseph Nkaissery ayaa u muuqanaayo mid jeesjees ku ah, haddal uu laba maalin un ka hor uu warbaahinta ka sheegay Xog-hayaha Golaha Culimada Islaamka Dalak Kenya Sheekh Khaliifa oo Dowlada Kenya dhalinyaradaasi muslimka ahaa ee kuwa masiixiga badbaayay ay siiso awaal marin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada